Shir looga hadlayey dib u celinta Qaxootiga Somaliyeed ee ku nool kenya oo maanta lagu qabtey Neyroobi

0
120

fosiyaShir 3 geesood ah oo looga hadlayay sidii dib dalka Soomaaliya loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa maanta lagu qatay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay dowladaha Kenya, Soomaaliya, hay’adda Q.M u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo qaatay saacado dhowr ah ayaa laga soo saaray heshiis dhigayay in iyadoo aan la qasbin dadka qaxootiga ah dib loogu celiyo dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo shirka kaddib warbaahinta la hadashay ayaa soo dhowaysay heshiiskan, iyadoo ku tilmaamtay in uu muhiimad u leeyahay qaxootiga Soomaaliyeed.

 

Daafeet.Com