Taliska Waaxda Dambi Baarista oo ka Warbixiyay Xariga Taliyihii hore ee Asluubta

0
20

OLYMPUS DIGITAL CAMERATaliska ciidanka waaxda dambi-baarista ee CID ayaa ka warbixiyay xariga taliyihii hore ee asluubta, Ex Sarreeye Guuto Cabdi Maxamed Ismaaciil oo ay ciidamada ammaanku shalay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Taliyaha waaxda dambi-baarista, Siciid Axmed Kadiye oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Maxamed Ismaaciil ay maxkamadda ciidamadu ay horey ugu xukuntay xabsi daa’in kaddib markii lagu helay dambi ah inuu gacan-saar la lahaa kooxda Al-Shabaab, xabsigana ka sii daayay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Siciid ayaa sheegay in ninka la xukumay isaga oo maqan, kaddib markii uu baxsaday, ayna ciidamada ammaanku ku raad-joogeen ilaa markii dambe habeen hore ay ka soo qabteen xaafadda Madiina ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo sheegay in ay jiraan qalab uu lahaa oo ay la soo qabteen, kuwaas oo baaris lagu sameyn doono.

Waxaa laga war helay in lix maalmood ka hor uu ku soo laabtay Muqdisho.