Warbaahinta qaarkood ayaa waxa ay qoreen inay odayaashii dhaqanka Digil iyo Mirifle, saraakiishii ciidamada iyo maamulka gobolka Bay si megangelyo ah u galeen saldhiga ciidamada AMISOM ee magaalada Baydhabo arintaasoo ah mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Si aan ummada Soomaaliyeed ugu ifino xaalada dhabta ah ee magaalada Baydhabo ayaan xiriir la sameynay golaha odayaasha dhaqanka gobolada Koonfurta iyo Koonfurgalbeed Soomaaliya iyo weliba taliska ciidamada booliska gobolka Bay.
Malaaq Cali Shiino oo ah afhayeenka golaha dhaqanka Digil iyo Mirifle ayaa waxa uu yiri, ” Magaalada Baydhabo magaalo ka amaan roon ayaa jirto isma lihi, dadkeeda waa dad soo taakan oo amaanka u heelan, dadka warkaas qorayna waa shar wadayaal waana war been abuur ah” ayuu yiri malaaq Cali Shiino oo sidoo kale raaciyay.
” Adeer waxaan kuu sheegayaa aniga, dad waxaa jira aan dhegaha u duleelnayn oo fidno wadayaal ah, balse ummada Soomaaliyeed ee nabada iyo wanaaga jecel waxaan u sheegayaa inuu warkaasi yahay been abuur, shayaadiintii 23 sano dalkaan isbaarada u dhigtay ee ummadaan nabada u diiday ayaa wixii u hanqal taagaya” ayuu yiri malaaq Cali Shiino oo si aad ah u beeniyay wararka laga qoray magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, waxaan xiriir kala sameynay arimaha laga qoray amaanka magaalada Baydhabo, taliyaha ciidamada booliska gobolka Bay, korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sheegay inuu amaanka Baydhabo hagaagsanyahay.
”Aniga hada kula hadlayo waxaan hor fadhiyaa meeshii mac macaanka la oran jiray, dadka Baydhabo waa ay tamashlaynayaan Baydhabana waxa ay diyaar u tahay inay martigeliso shirka dowlad goboleedka loogu dhisayo lixda gobol” ayuu yiri korneel Mahad oo sidoo kale sheegay in dadka qoray warkaas ay yihiin kuwa ka xun amaanka Baydhabo.
” Dadka waxaas qoray waa dad Baydhabo neceb, waa dad Digil iyo Mirifle neceb quruxda Baydhabana neceb” ayuu sidoo kale yiri korneel Mahad oo sheegay inay amaanka magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Bay sugayaan wafuudana ay amaankeeda sugayaan.
AMAANKA1
Halkan hoose kaga dhegeyso Mobilkada
Daafeet.Com