Magaalada Jowhar caasimada gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa maanta lagu xirxiray Odaydhaqameedyo,Siyaasiyiin,Waxagarad,Haween iyo Ganacsato kasoo jeeda beelaha Lixda Shiidle oo ka shirayay xaaladaha Beni’aadminimo iyo tan Siyaasadeed ee uu haatan ku suganyahay gobolkooda.
Kulankan oo qabanqaabadiisu ay lahaayeen golaha dhaqanka beelaha Lixda Shiidle ayaa waxaa ay diirada ku saarayeen sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay fatahaada biyaha wabiga Shabeele oo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ee uu hogaamiyo Cabdi Jiinow Calasow ku guul daraystay wax u qabashada dadka deegaanka gobolka ee fatahaadu waxyeelada u gaysatay,Sidoo kale ayaa kulanka waxaa looga hadlay qaabka ugu haboon ee maamul caadil ah loogu samayn lahaa gobolka maadaama maamulka Cabdi Jiinow Calasow uu waqtigiisu uu dhamaaday isla markaana aanu dalkaba joogin mudooyinkii ugu danbaysay.
Beelaha Lixda Shiidle oo ah beesha ugu badan beelaha dega gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa deegaanadooda Barakicin qorshaysan ku haya koox beeleed kasoo jeeda beesha Abgaal oo huwan magac Dowladeed.
Afhayeenka beelaha Lixda Shiidle Islow Xasan Islow ayaa sheegay in Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo wata Ciidan ku labisan dharka Dowlada balse ku beel ah inay xireen dhamaan dadkii goobta shirka fadhiyay oo ay Odayaasha dhaqanku u horeeyaan haatana ay xabsiga ku jiraan.
Si kasta oo loo dhigaba waxa haatan ka soo socda gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxa uu u muuqdaa Isirtir dadka deegaanka ugu badan ee reer Shiidle ay beesha Abgaal ku Isirtirayso ayadoo awood Dowladeed ay adeegsanayso.
Halkan ka dhegayso