Magaalada Muqdisho ayaa maanta si wanaagsan looga ciiday, iyadoo madaxda dowladda ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed inay is-cafiyaan ayna qayb ka qaataan sidii dalka loo nabadeyn lahaa.
Madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha ayaa masaajidka isbahaysiga islaamka kala qaybgalay salaaddii ciidda shacab fara badan oo isaga yimid qaybaha kala duwan ee Muqdisho iyo xubno kal tirsan labada gole ee dowladda.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaadda kaddib wuxuu halkaa ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo fara badan, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay qayb ka qaataan nabad kusoo dabbaalidda dalka.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ku baaqay in ciidamada ammaanka gacan laga siiyo sidii ay ammaanka ku sugi lahaayeen, isagoo xusay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dalka oo dhan islaaxiso.
Daafeet.Com


