Xukuumada Kenya ayaa sheegtay inaysan Magaalada Kismaayo ku wareejindoonin DF, waxaana saraakiiil u hadlay Kenya ay sheegeen inay ku wareejin doonaan Hogaamiye ay dadku soo doorteen.
Shir jaraa’id oo ay Nairobi ku qabateen mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya ayaa sheegay in Kenya aysan wareejinen garoonka iyo Dekeda Kismaayo laakiin waxay ku wareejinaysaa Hogaamiye la aqoonsan yahay oo ku yimid dib u heshiisiin.
Mr. Karanja Kibicho wuxuu sheegay in ciidamadooda hadii ay Kisamayo ka baxaan ay dib ugu laaban doonaan dalkooda, isagoo sheegay in taasi ay mar kale sababi doonto in Al-shabaab ay la wareegto Kismaayo.
Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan ayaa waxay qayb ka yihiin AMISOM iyadoo horay ay DF ugu eedeysay inay sabab u ahaayeen dagaaladii bishii hore ka dhacay Kismaayo, inkastoo Kenya ay gaashaanka ku dhufatay arintaas.
Sidoo kale Sarkaalka kale ee u hadlay Kenya oo lagu magacaabo Zaddock Madiri Syong’oh ayaa sheegay in Ciidamadoodu ay ka shaqeynayaan sidii ay Amniga Jubooyinka u adkeyn lahaayeen, wuxuuna ka digay in la carqaladeeyo amniga ka jira halkaas.
Hadaladan aan laga fiirsan ee kasoo yeeraya dowlada kenya ayaad waxaad moodaa iney u dhaqmayaan sidii meeleeshiyaad oo kale ayagoo mar walba raba iney dowlada ku cabsiiyaan soo noqoshada alshabab, Balse waxaa haboon in dowlada kenya ey ilaaliso sharciga xuduudaha dunida hadii eysan ku joogi karin sharuucda Amisomna waxaa haboon iney isaga laabato halkii ey markii hore kasoo hayaatey ayadoo aan cidna u yeeran.
Daafeet.Com