Sheekh Xasan Dahir Aweys oo Xabsiga loo Dhaadhiciyey

1
39

xasan-dahirDowladda Federalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo xubno taageerayaashiisa ah oo la socday, kuwaasoo xalay fiidkii laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Amarka lagu xiray Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday ayaa waxaa bixiyay sida la sheegay wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, iyadoo lagu xiray xabsi ay leeyihiin ciidamada nabadsugidda Qaranka.

Yuusuf Indhacadde oo ka mid ahaa xubnihii Cadaado ugu tagay Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday isla markaana keenay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada nabadsugiddu ay handadeen iyagiina la xiray, isagoo intaas ku daray in Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo wafdiga hoggaaminayay ahna xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya dhaawac uu kasoo gaaray gacan.

Illaa xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ka taagnaa garoonka diyaaradaha muran ku saabsan halka la geynayo Sheekh Xasan Daahir iyo xubnaha la socday, kaasoo u dhexeeyay saraakiisha hay’adda nabadsugidda Qaranka iyo xubnihii Cadaado ka keenay, inkastoo ugu dambeyn laga fara maroojiyay.

Ma jirto mas’uul ka tirsan dowladda Somalia oo ka hadlay arrintan, balse warar ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir loo wareejiyay xabsi kale oo ay ku sugan yihiin ciidammo ajnabi ah, inkastoo aan si dhab ah arrintaas loo xaqiijin.
Daafeet.Com

1 COMMENT

  1. waa war wanaagsan in la xiro danbiile xasan daahir..wa in laga abaal mariyaa danbiga uu ka galey umada soomaaliyeed..wa cadaalad daro in lagu sii daayo wadanka waayo wa gacan ku dhiigle ..wbtfq

Comments are closed.