War Deg Deg Ah:- Xasan Daahir Aweys oo ka degen Magalada Muqdisho

0
90

breaking nWaxaa goor dhowayd oo maanta ah soo gaaray magaalada Muqdisho wafdi beeleed ay dowlada soomaaliya horay ugu dirtay magaalada cadaado ee maamulka ximin iyo xeeb oo lasocda Xasan Daahir Aweys oo maalmihii lasoo dhaafay halkaas.

Xasan Daahir oo ay wehlinayaan xubno isugu jira Xildhibaanno, Oday dhaqameedyo iyo waxgarad kasoo jeeda jufooyinka Ceer iyo Saleebaan ee beesha Habargidir ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo halkaasna ay ku soo dhaweeyeen Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ammaanka Xasan Daahir ayaa waxaa la wareegay Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee ALPHA GROUP ee wejiyada xirta, wuxuuna garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu ku salaamay dadkii ku soo dhaweeyay garoonka.

Ammaanka garoonka diyaaradaha ayaa aad loo adkeeyay intii aysan soo cago-dhigan diyaaraddii kasoo qaaday degmada Cadaado, waxaana ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-shabaab uu Muqdisho soo gaaro.

Xasan Daahir ayaa toddobaadkii hore isaga iyo rag taageerayaashiisa ah waxay si dhuumaaleysi ah kaga soo baxeen xilli habeen ah xeebta degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay taageerayaashiisa kula dagaalameen kooxo taabacsan hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaan Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr.

 

Daafeet.Com