Shir looga Hadlaayey Arimaha Somaliya oo ka furmey Dalka Jabaan

0
25

JAPAN-AFRICA-DIPLOMACYShir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo ay ka soo qayb galeen madax aad u badan, ayaa maanta ka furmay magaalada Yokahaama ee dalkaasi Jabaan.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeyb galey Madaxweynaha Tanzaniya, Madaxweynaha Koonfur Suudaan, Madaxweynaha Jabuuti, Reysulwasaraha Itoobiya wakiilo ka kala socday dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Talyaaniga midowga Yurub iyo dalalka daneeyo Soomaaliya ay ka mid yihiin madaxda ka qayb galaya shirka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’isal wasaaraha Jabaan Shinzo Abe oo shir guddoominayo kulanka, ayaa madaxda ka qayb galay u gudbiyey ajandayaasha maanta looga hadlayo kulanka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa madaxda kulanka ka qayb galay xasuusiyey dadaalka lagu bixiyey in Soomaaliya ay soo gaarta heerka ay maanta mareyso iyo in aan la hakin taageerada la siinayo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Itoobiya ay mar walba garab taagneyd Soomaaliya, ayna ku qanacsan tahay in ay kaalin ka qaadayo in Soomaaliya laga caawiyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Daafeet.Com