Ganacsade somaliyeed oo shaley gelinkii dambe lagu diley Dalka Koonfur Africa

0
26

dilDeegaanka Greenfields ee Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ayaa kooxo hubeysan ku toogtay shalay oo Khamiis ahayd ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad oo toddobaadkan lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

Afhyeenka booliiska magaalada Port Elizabeth, Cap. Stanley Jarvis ayaa sheegay in ganacsadahan laga toogtay madaxa, laabta iyo caloosha uuna ku dhintay halkii lagu toogtay, kooxihii dilkiisa geystayna ay ka baxadey goobta.

Ma jirto cid loo xiray dilka ganacsadahan Soomaaliyeed, balse sarkaalkan u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas geystay.

Booliiska magaaladaas ayaa sheegay in falkan ay sameeyeen kooxo burcad ah, taasina ay keentay in ganacsatadii Soomaaliyeed ee deegaanaas ku noolaa ay isaga cararaan halkaas si ay naftooda u badbaadiyaan.

Daafeet.Com