Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo in Beesha Xawaadle eysan kala noqon kalsoonida Dowlada

0
100

GHiiraanGuddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo ayaa beeniyay in go’aankii shalay ay beesha Xawaadle ku sheegtay inay kala laabtay kalsoonida dowladda Soomaaliya uu ahaa mid aysan beeshu u dhameyn.

Laqanyo oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen qayb yar oo aan matelin beesha Xawaadle, isagoo intaas ku daray in tani ay tahay mid lagu carqaladeynayo horumarka uu gobolku gaaray.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxu sheegay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in wasiirka arrimaha gudaha uu u soo magacabayo gobolka sagaal xubnood oo kale, isagoo xusay in wasiirka uusan gobolkan u soo magacaabayn wax uusan kala tashan maamulka.

“Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan loosoo magacaabay waa kuwo maamulka iyo wasiirka arrimaha gudaha ay iska arkeen oo isla og-yihiin, balse ma jiraan wax uu isagu dibadda uga keenayo gobolka,” ayuu Laqanyo hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa wuxuu sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan in shacabku ay ku soo doortaan maamulkooda, sidoo kalena ay qorsheynayaa n in Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin.

Daafeet.Com