Magaalada Kismaayo oo isdilku ku soo badanayo maalinba maalinta ka danbaysa

0
30
kiisLabo ka tirsan Ciidamada Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in duhurnimadii maanta ay isku dileen agagaarka Saldhiga Booliska ee Magaalada Kismaayo,iyadoona dilalkan oo ah noocii ugu horeeyey ee ka dhaca Magaalada ayey Saraakiisha iyo Odoyaasha deegaanka waxay dadaal ugu jiraan sidii xiisada loo qaboojin lahaayeen.
Dhinaca kale

Taliyaha Amaanka Ee Magaalada Kismaayo Ahna Taliyaha Ciidamada Raaskambooni Maxamuud Qaalib Oo La Hadlay Warbaahinta ayaa Waxa uu Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Sheegayey in Ciidamo Ka tirsan Raaskambooni Iyo Kuwa Ka Amar Qaata Barre Hiiraale In Ay Isku Hor Fadhiyaan Gudaha Magaaladaasi.

Taliyaha ayaa Meesha Ka Saaray In Barre Hiiraale Uu Wax Ciidan Ah La Galay Gudaha Magaalada Kismaayo Marka Laga Tago Sida Uu Hadalka U dhigay Laba Askari oo ilaaladiisa ah, Waxa Uuna sheegay in Xiligaan Amaanka Magaalada Kismaayo Uu yahay Mid aad U Wanaagsan Wax Dhibaato Ahna Aysan Ka Jirin Magaalada.

Halkan ka dhegayso