Ciidamo ka tirsan dowlada oo ku sugnaa garoonka Kismaanyo oo maanta Magalada gudaha u galey

0
29

ciidan-tababarSaraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray gudaha Magaalada Kismaayo.

Warfaa Sheekh Aadan oo kamid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidankaasi gudaha u galay Magalaada Kismaayo ayaa sheegay inuu maqlay dhaq-dhaqaaq ciidan oo ay wadaan ciidanka raaskaambooni,isaga oo ka digay in ciidanka Dowladda ay weerar ku qaadaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee gudaha ugalay Magaalada Kismaayo ayuu sheegay in marka hore ay daganaayeen gudaha Garoonka Kismaayo balse iminka la dajiyay warshada hilibka ee Magaaladaasi.

Warfaa Sheekh Aadan ayaa dhanka kale wuxuu sheegay in Magaalada Kismaayo aysan sheegan karin cid gaar ah oo lahaanshaheeda tilmaamsan karin.

Daafeet.Com