Amisom oo sheegtey in Magalada Baledweyne uu ka dilaacay Cudurka Daacuunka

0
23

BaladweyneDhakhaatiirta ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in cudurka daacuunka uu ka dillaacay magaalada Beledweyne.

Dr Cabdi Waaber Geeddi oo ka tirsan dhaqaatiirta ciidamada Djibouti ee howlgalka Midowga Afrika ka ayaa sheegay in cudurka oo toddobaadyadii ugu dambeeyay ka jiray loo haystay inuu shuban-biyood ahaa, balse tijaabo la qaaday oo lagu soo baaray Nairobi lagu ogaaday inuu yahay daacuunka.

Dhaqtarka wuxuu sheegay in cudurka uu ka dhashay nadaafad-xumo ay keentay fatahaadda wabiga uu ka sameeyay magaalada.

Dowlada federaal-ka ah ee Soomaaliya, ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan, hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah ayaa gargaar u fidiyay dadka cudurka uu soo ritay.

Daafeet.Com