Dad badan oo ku geeryoodey fatahaad ka dhacdey beledweyne

0
51

Warar eynu ka helney magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhawaad seddax iyo toban ruux ay ku Geeriyoodeen fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabeelle.

Daadad xoog badan ayaa ku dhuftey Xaafadihii ay Daganaayeen kuwaasi oo ay saameynta ugu badi ay ka soo gaartay Xoolihii Dadku ay dhaqanayeen .

Dadka ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa inoo xaqiijiyay geerirada Dadkan oo uu sheegay in ay isugu Jiraan Caruur , Haween iyo Dad Da, ah sidoo kale waxaa uu sheegay ku dhamaadeen Xoolo badan oo ay dhaqan jireen Dadka Deegaanka .

Waxaa uu sheegay sidoo kale in dadka badankoodu ay u barakeceen dhanka buurta Magaalada halkaasi oo ay Gabaad ka Dhiganayaan ayagoo aan ilaa iyo hada heysan wax gar gaar ah .

Daafeet.Com.