Alshabaab oo sheegey iney maamulkeeda kala baxdey kismaanyo

0
38

Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday maanta in xalay la xiray xafiisyadii maamulkoodu ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, balse ay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cid walba oo kasoo horjeedda ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Al-shabaab ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in shan sano oo Kismaayo ay maamulayeen kaddib ay isaga baxeen magaaladaas, balse waxay hadalkooda ku dareen in ciidamada Kenya iyo kuwa la socda ay eedi doonaan duullaanka ay kusoo qaadeen magaalada dekedda leh ee Kismaayo.

Bog Internet ah oo lagu baahiyo wararka Al-shabaab ayaa isaguna soo daabacay maanta in mas’uuliyiintii maamulka Al-shabaab ay isaga baxeen Kismaayo, balse ay weli ku sugan yihiin aagagga dagaalka ciidamada Al-shabaab oo doonaya inay ka difaacaan magaalada.

Xarumihii maamulka Al-shabaab ee Kismaayo ayaa saakay waxaa boobay dadweyne ku qamaamay, iyadoo dadku ay sheegeen inuusan jirin askari ka tirsan Al-shabaab oo ku sugan magaalada, inkastoo aan la ogeyn inay ku sugan yihiin goobaha la isku horfadhiyo iyo in kale.

Ciidamada huwanta ah ee isbahaysanaya ayaan iyaguna weli gelin magaalada, inkastoo shacabka magaalada ku haray ay ka baqdin qabaan in dhibaatooyin loo geysto marka ay ciidamada dowladdu galaan magaaladaas.

Daafeet.Com