Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo soo dhaweeyey dorashada maddaxweynaha cusub

0
70

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, oo aheyd tallaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhammeystirayay marxaladda kala guurka.

Ban Ki-moon wuxuu hambalyo u diray baarlamaanka cusub ee federaalka iyo guddoomiyihiisa sida fiicneyd ee ay u soo afjareen hannaanka.

Xog-hayaha guud wuxuu ku borriyey madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo xukuumad mas’uuliyad qaadi karta oo loo dhan yahay, taasoo billaabi karta ka shaqeynta dib u dhiska dalka.

Wuxuu ammaanay saxiixayaasha tubta roadmap-ka oo qeyb ka qaatay afmeeridda marxaladda kala guurka.

Wuxuu kaloo soo hadal qaaday kulan Golaha Ammaanka uu yeelan doono dabayaaqada bishan oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo uu sheegay inuu fursad u noqon karo madaxda cusub ee Soomaaliya inay sii xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin beesha caalamka.

Daafeet.Com