Gudomiyaha barlamanka prof Jawaari oo sheegey in xaflada caleema saarka maddaxweynaha ey dhici doonto isbuuca soo socda

0
44

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay maanta oo Arbaco in la caleemo saari doono maddaxweynaha cusub  toddobadka soo socda.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in go’aankan ay gaareen guddoonka baarlamaanka ayna gaarsiiyeen xildhibaannada baarlamanka, balse si rasmi ah uma uusan sheegin halka ay ka dhacayso xaflada caleemo-saarka ah.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo caleemo-saarkiisa kaddib si rasmi ah ula wareegi doona talada dalka ayaa wuxuu wajahayaa howl adag, kuwaasoo ay ka mid tahay sugidda amaanka iyo dib u dhiska dalka.

Caleemo saarka ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan wufuud kala duwan oo ka socda caalamka, iyadoo caleemo saarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Sooamaaliya muddo afartameeyo sano ka badan.

Daafeet.Com