Sheekh Shariif oo sheegey inuu la shaqeyn doono maddaxweynaha cusub

0
49

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ujeediyay madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay inaysan jirin wax ka wanaagsan in qofka uu tartamo islamarkaana hadii uu guuleesto uu dadkiisa dhex fadhiisto hadii uusan guuleeysana taageera dowladda dhalata.

Wuxuu sheegay Shariif Sheekh Axmed inuu la shaqeynayo Madaxweynaha cusub iyo dowladda hada imaaday intaba islamarkaana balantii uu horay u qaaday hada uuu u oofinaayo.

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inuu amar siinayo dhamaan saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya inay ka amar qaataan madaxaweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay in talooyinkiisa dhanka ammaanka uu sii wadi doono islamarkaana uu u rajeynayo dalka Soomaaliya inuu gaaro horumar iyo midnimo.

Yasin Abicar

Daafeet.Com