Dalalka Ingiriiska, Mareykanka ,Qadar iyo Qaramada midoobey oo hambalyo u direy maddaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

0
34

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Augustine Mahiga ayaa soo dhaweeyey doorashada madaxweynaha cusub ee dowladda federal-ka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku tilmaamay tallaabo weyn oo loo qaadday nabadda iyo barwaaqada dalka.

War laga soo saaray xafiiska Danjire Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay in doorashada madaxweynaha ay u dhacday si cad oo aan ku jirin mugdi, isla markaana ay muujineyso sida ay Soomaalidu ugu bisishahay in hanaankan nabadeed uu guuleysto, wuxuuna ugu hambalyeeyey madaxweynaha xilka loo dooray.

Dowladda Mareykanka ayaa iyaduna hambalyo u dirtay madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo doorashadiisu ku sheegtay inay soo afjareyso xilligii ku meel gaarka aheyd, muhiimna u tahay waxa ay dadka Soomaaliyeed hiigsanayaan.

Ra’iisal wasaaraha Britain, David Cameron ayaa isna sheegay in doorasahadan ay muhim u tahay Somalia, isagoo bogaadiyey guusha madaxweynaha cusub, amaanayna kaalintii uu ka qaatay in ay doorasho dhacday madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Cameron aya axusay in ay Britain sii wadi doonto taageerada dadka Soomaaliyeed iyo hoggaankooda.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo dhaweeyey doorashada madaxtinimada Soomaaliya, isagoo sheegay in aywax badan ka beddeli doonto xaaladda dalka, kuna booriyey shacabka Soomaaliyeed in ay door ka qaataan nabadda dalkooda.

Amiirka dalka Qadar Sheekh Xamad Bin-Khaliif Aala-Thaani ayaa ku sifeeyey doorashada madaxweynaha Soomaaliya mid u dhacday qaab dimoqraadiyad ah oo xoojin karto deganaanshaha iyo nabadda Soomaaliyeed.

Yasin Abicar

Daafeet.Com