Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo maanta gaarey magalada baydhaba

0
95

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedaraal Maxamed Xasan Ciro iyo xubno kale ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud waxaa kusoo dhaweyey Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulkadir, iyo Xuno ka tirsan Guddiga

Intaasi ka dib Madaxda ayaa Qeybta VIP ee Garoonka isku Xogwareystey meesha ay mareyso Howsha qaban qaabada Qabashada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedaraal Maxamed Xasan Ciro ayaa Sheegey in ujeedada Magaalada Baydhabo u tageen ay tahay wadatashi iyo Sidii dhidhibada loogu Aasi laha Hanaankii Doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah ugu bilaaban laheyd.