Waa sidee maanta xaalada magalada guuriceel

0
159

Waxaa saaka rasaas goos goos ah laga maqlayaa aaga Jaamacadaha ee degmada Guriceel, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay siweyn ugu dagaalameen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dad ku sugan Guriceel ayaa warbaahinta u sheegay in labada dhinac ay kala joogaan Goobihii ay ku dagaalameen, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada Ciidan.

Dhinacyada ayaa saacadihii la soo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan, waxaana Maalintii Saddexaad xaalad cakirnaan ah ay ka taagan tahay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ayaa sheegayay in Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan uu shalay dalbaday xabad joonin, balse waxaa warkaasi beeniyay Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Sbire Falagle.