Hoobiyeyaal lagu weeraray xaafado ku dhow xerada xalane oo dhibaato geystey

0
125

Hoobiyeyaasha oo jugtooda laga maqay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir ayaa waxaa ay ku dhaceen Xaafadaha Obasiibka ah oo u dhow Xerada Xalane oo ka tirsan degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan laanta Gabiyow, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay ku warameen in ilaa 4 Hoobiye ay soo dhaceen, isla markaana mid kamid ah hoobiyeyaasha uu ku dhacay Guri ay deganaayeen dad Shacab ah.

Mid kamid ah dadka Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen ayaa sheegay in uu geeriyooday Walaalkiis oo lagu Magacaabi jiray Cumar Maxamed Amiin & Cunug uu dhalay halka ay ku dhaawacmeen ku dhowaad 5 Ruux oo kale.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa tegay Xaafadaha ay hoobiyeyaasha ku dhaceen, waxaana dadka ku dhaawacmay la geeyay isbitaalada Magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.