Beesha caalamka oo la kulmaya madaxda maamul goboleedyada

0
169

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada muqdisho kulamo ku yeelanayay qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada, kulamadaas oo looga hadlayay khilafka doorashada iyo sida looga gudbi karo.

Kulamadii u dambeeyay ee dhex-maray Madaxweynayaasha Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa furre u noqday shir ay maanta isugu imaan doonaan Shanta Madaxweyne Maamul Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii looga heshiin lahaa ajandaha shirka guud ee la qorsheynayo in maalmaha soo socda uu dhex maro dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada..

Dhowr jeer ayaa Madaxda Maamul Goboleedyada waxaa ay shir la yeesheen Wakiilada Beesha caalamka, iyaga oo ka wada hadlayay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya.