Wasiirada xukuumada ee kasoo jeeda beelaha hawiye oo ku shirsan aqalka Cali Mahdi

0
92

Warar aynu ka heleyno magalada muqdisho ayaa sheegaaya in hoyga madaxweynihii hore ee somaliya Cali Mahdi Maxamed ay ku kulansan yihiin Wasiirada Xukuumadda federaalka ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye.

Kulankan ayaa waxaa ay kaga xaalada dalka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi degenaan oo ku dhisan aragti wadaag kaddib saacadihii la soo dhaafay ay Muqdisho ka gashay xaalado siyaasadeed oo ka dhashay dhammaadka muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Kulankan ayaa waxa ala filayaa in uu kasoo boxo go,aan ay ku mideysan yihiin wasiirada ka tirsan xukuumada ee kasoo jeeda beelaha hawiye walow aysan wax badan ka bedeli doonin qaabka uu madaxweyne farmaajo hada ku socdo.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa cakiran siyaasada guud ee dalka maadaan madaxweynaha waqtigiisa xil heynta ay ku ekeyd maanta isla markaana aysan jirin wax abaabul ah oo looga bixi karo siyaasada cakiran ee dalka ka jirta.