Ciidamo itoobioyaan ah iyo shabaab oo ku dagaalamay degmada xudur

0
123

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo ka dhacay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Xubno ka tirsan AL-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda ku leeyihiin degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhowaad saacad.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee aan sirasmi ah loo cadeyn karin maadaama xilli dambe oo xalay ah uu dagaalka dhacay.