Maamulka koonfur galbeed oo si caro leh uga jawaabay falkii shaley lagula kacay cayaartoyda koonfur galbeed

0
169

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamul gobaleedka Koonfur ayaa sheegay in falkii lagula kacay Ciyartooyda Koonfur Galbeed uu ahaa mid si u lakac ah loo sameeyay, isla markaan la wada ogaa.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayaa ku sheegay in arrintaan kaliya ay aheyd mid u gaar ah Ciyaartooyda reer koonfur Galbeed, waxaana uu dalbaday in baritano dhab ah lagu sameeyo.

Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku daray in hadii aan wax laga qaban in aysan ka qeyb gali doonin koob ay martigeliyay Gobalka Banaadir, sidoo kalena ay Muqdisho ka saari doonaan Ciyaartooyda Koonfur Galbeed ee ka Ciyarta Gobolka Banaadir.