Madaxweyne ku xigeenka maamulka hirshabele oo loo doortay Yusuf Axmed Hagar

0
74

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle waxaa hadda lagu soo gabagabeeyey doorashada madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle, waxaana ku guuleystay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Yuusuf Dabageed waxaa xilkan kula tartamayey Maxamed Maxamuud Cabdulle (Maxamed Dheere) ,waxuuna uga guuleystay 87-cod, halka musharax Maxamed Dheere uu helay 12-cod, waxaana codeysay 99-xildhibaan.

Afarta sano ee soo socota waxaa loo doortay inay hoggaamiyaan maamulka HirShabeelle, Madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Labadan shaqsi ayaa ah laba shaqsi oo horey loo sheegay inay kusoo bixi doonaan doorashooyinka ka dhacayey magalada jowhar balse suaasha la is weydinaya ayaa ah goormey somaliya ka bixi doontaa inay doortaan dad dooran.