Donald Trump iyo xisbigiisa oo aad moodo inay ka weecdeen wadadii dimoqradiyada

0
52

Madaxweyne Donald Trump ayaa wali diidan in looga guuleystay doorashada dalka Mareykanka iyadoo Joe Biden uu ku guuleystay codadkii doorashada ee la tiriyay.

Trump wuxuu tuhun galiyay sida ay codadkii la tiriyay u noqon karaan kuwa jira, wuxuuna durba taageero ka helay hoggaanka sare ee xisbiga Jamhuuriga, waxeyna ku garab taagan yahiin dacwadda uu u gudbinayo maxkamadaha isagoo diidan guusha la saadaaliyay ee Joe Biden.

Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badan yahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy iyo Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell ayaa si wadajir ah ugu taageeray Trump diidmada jiritaanka codeynta, waxeyna qabaan inuu ku saxan yahay go’aanka uu ku diiday saxnimada codadkii la tiriyay.

Diidmadan ay sameynayaan xisbiga jamhuuriga iyo Donald Trump ayaad moodaa inay tahay mid ka fog dimoqraatiyada ay mar walba sheegtaan Ameerika in ay hormuud u yihiin taasi oo ay haatan ku farxayaan kuwa dimoqradiyad diidka ah ee hogaamiya qaar kamid ah dalaka aduunka.