Madaxweynihii hore ee somaliya oo kulan la qaatey qaar katirsan duubabka

0
60

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maalintii shalay taggay magaalada Jowhar ayaa saacadihii ugu danbeeyay kulamo kala duwan la qaatey Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ku howlan dhismaha 2aad ee Hirshabeelle, waxaana kulankii ugu danbeeyay uu la qaatay duubabka dhaqanka.

Shariif Sheekh Axmed ayaa duubabka dhaqanka kala hadlay tabashooyin ay ka qabaan habkii loo soo xulay xildhibaannada cusub ee Hirshabeelle oo qaarkood ka cabanaya in dibadda la dhiggay xubnihii ay soo gudbiyeen.

Mas’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa lagu waramayaa in uu kala hadlay Shariif Sheekh Axmed cabashada duubabka dhaqanka qaarkood oo wararku sheegayaan in loo sameeyay balanqaadyo kale iyo xilal laga siinayo xubnaha ay wataan Hirshabeellada cusub.

Sidoo kale wararka ka imanaya Jowhar ayaa sheegaya in Shariif Sheekh Axmed kulan albaabadu u xirran yihiin uu la qaatay ku-simaha madaxweynaha Maamul Gobolleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe oo ay ka wadda hadleen doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.