Reysulwasaare Rooble oo maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka turkiga somaliya u fadhiya

0
90

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz

Reysulwasaare Rooble iyo safiirka ayaa ka wada hadley sidii loo adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee u dhexeeya somaliya iyo dalka turkiga isla markaana kor loogu qaadi lahaa mashaariicda ay dalka turkiga ka fuliyaan gudaha dalka somaliya.

Turkiga ayaa inka badanmudo Sagaal sano ah dalka somaliya ka fulisa mashaariic horumareed oo ay ugu horeyso kor u qaadida tayada ciidamada somaaliyee kuwaas oo ay siiso tababaro kala duwan.

Kulanka ayaa ahaa kulankii ugu horeeyey oo ay wada yeeshaan labada masuul tan iyo intuu xilka la wareegay reysulwasaare Rooble waxaana uu ku dhamaaday is afgarad aad u wanaagsan.