Alshabab oo weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanku ku leeyihiin gobolka bakool

0
159

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo kuwa alshabab ayaa maanta waxaa uu ka dhacay gobolka bakool kaasoo la isku adeegsanayey hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanamada ay ku lahaayeen banaanka degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena ay jireen tiro madaafiic ah oo ay is weeydaarsadeen.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka dhexmaray Ciidamada halkaasi kusugnaaiyo alshabab, waxaana Saraakiisha ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.