Qarax Maanta Ka Dhacay Suuqa Xoolaha ee Degmada Afgooye

0
236

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay degmada Afgooye ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay suuq xoolaha nool lagu iibiyo oo ku yaalla gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu qaraxu dhacayey ay suuqa ku sugnaayeen dad fara badan oo shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen labo kale oo dhammaan ah dad shacab ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.