Baarlamanka oo Maanta Cod Aqlabiyad ah Siiyey Reysulwasaaraha Cusub

0
44

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa u codeysay 215 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku sugan.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa ku dhawaaqay in raysal wasaaruhu helay codka kalsoonida.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.