Alshabab oo Xaley Weerar Qorsheysan Kusoo Qaaday Degmada Balcad

0
80

Wararka aynu ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay degmadaasi ay weerar ku qaadeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dadka deegaanka oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in dagaal culus ay Shabaab degmada kusoo qaadeen, islamarkaana saacado kooban ay la wareegeen gacan ku heynta Afar Xaafadood ee degmada Balcad.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Al-Shabaab ay Saldhiga degmada Balcad kasii daayeen Maxaabiis inkastoo warkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Ciidanka dowladda ayaa saaka dib ula wareegay Magaalada ka dib markii ay ka baxeen Al-Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday.