Webiga Shabeele oo Ku Fatahay Xaafado Ka Mid Ah Degmada Beledweyne

0
51

Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay xaafadaha magaalada Beledweyne, taas oo mar kale dadka ku qasabtay inay guryahooda ka barakacaan.

Xaafadaha hawlwadaag, iyo Buundawayn ayey biyaha wabiga oo ka imaanaya karkaarada gudaha magaalada ay soo gaareen xalay ilaa saaka, waxaana sidoo kale dadka dagan xaafadaha Kooshin iyo dhagax jabis ay wal wal ka qabaan inay biyuhu soo gaaraan.

Maamulka degmada iyo gudiga ka hortaga fatahaada ayaan weli ka hadlin Xaaladan cusub ee kasoo korortey webiga shabeele walow ay maalmihii lasoo dhaafay hawlo carro-tuur ah ka waday tuulooyinka woqooyiga Beledweyne ee Heli-kaliyo iyo Qooqane.

fatahaada webiga shabeele ayaa noqdey mid sanad walba xiliyada ay roobabka da’aan kusoo laablaabta deegaana uu maro taasoo dadka deegaanka iyo maamuladaba ay xal u weysan yihiin.