Dowlada Shiinaha oo Dhaqaale Ugu Deeqday Dadkii Fatahaada Kasoo Gaartey Webiga Shabeele

0
50

Dowladda Shiinaha, ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa illaa 50,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala-galeen sidii dib u dajin dhameystiran loogu sameyn lahaa dadkii ka barakacay fataahadaha dhowaan ku dhuftay gobollo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in tallaabada noocan oo kale ah ay muujineyso saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha.

Dhanaca wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo guddoomay deeqdan lacageed ayaa u mahadceliyey dowladda Shiinaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in kaalmadan ay timid xilli aad u muhiim ah.