Dhegeyso: Madaxweynihii Hore ee Maamulka Hirshabeele oo Ka Hadley Amni Darada Ka Jirta Wada Isku Xirta Muqdisho iyo Jowhar

0
93

Madaxweynihii hore ee Maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ka hadlayay falalka Amni darro ee mararka qaar ka dhaca wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho & Jowhar ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin Arrimo Siyaasadeed.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo la hadlayay Idaacadda Voa-da ayaa sheegay in waqtigii uu joogay Amniga wadadaas ay aheyd mid wanaagsan,hayeeshee haatan aysan mas’uuliyiinta mari karin,isaga oo sheegay inay sabab u tahay Arrimo siyaasadeed oo kajira degaannada Hir-Shabeelle.