Xog ku Saabsan Mucaawino Loogu Tala Galay Fatahada Degmada Afgooye oo la Leexsaday

0
209

Xog ay heshay Warbaahinta Daafeet Media ayaa waxaa ay sheegeysaa in barta koontaroolka ee Baar Ismaaciil ay ku xayirnaayeen maanta laba gaari oo sidey Moordi iyo Saliid kaasoo ay WFP ugu tala gashay shacabka ay waxyeeladu kasoo gaartey fatahaada webiga.

Xogtan ayaa intaasi waxaa ay ku dareysaa in maamulka degmada ay ku amreen baabuurtaasi in ay sugaan ilaa iyo inta ay qoraxda ka dhacayso si dadka aysan u arkin in mucaawino la keeney, Halka darawada baabuurta aysan ayaguna rabin in ay habeen madow raashin dejiyaan.

Isjiid jiid badan kadib baabuureyda iyo maamulka degmada ayaa markii dambe ku heshiiyey in raashinka lagu dejiyo dugsiga sare ee degmada afgooye kaasoo ku yaala wadada dheer ee tagta Degmada Marka.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in isla caawa uu maamulka Degmada Afgooye sameystey Tikidho la rabo in in lagu masuqmaasuqo raashinka la keeney Degmada Afgooye, Tikidhadaas oo inta badan gacanta loo gelin doono dadka u shaqeeya maamulka amaa xiriir hoose la leh hadhowna ay kula xisaabtami doonaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee musibadan ka dhacdey Degmada Afgooye ayaa waxaa ay waxyeelo ba,ani kasoo gaartey shacabka aad u badan oo ku dhaqan degmada kuwaas oo u baahan in gargaar deg deg ah lala soo gaaro, Balse waxaa nasiib daro ah in maamulkii dadka u gargaari lahaa uu isbaaro u dhigto mucaawanada la rabo in la gaarsiyo shacabka.