XAFIISKA QAXOONTIGA DAVOS “COVID 19 CULAYSYO BADAN AYUU NAGU KEENAY

0
79

Agaasime kuxigeenka xafiiska u qaabilsan qaxootiga magaalada Davos gobolka Graubunden Ee waddanka Switzerland gabadha lagu magacaabo Marwo Doris Schweighauser mar ay casuuntay xafiiskeeduna ugu waramaysay warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya afka qalaad loo yaqaan Southern Media Co-Operation (SMC), waxaa ay carabawday, in cudurka faafanka Covid19 uu culusyo badan uu ku keenay socoshada hawasha qaxoontiga.

Mrs Doris waxaa ay sheegtay, in wali xafiisku uu si toosa u furan yahay si joogta ahna ugu adeegayo dadka magangalyo-doonka ah, balse tirada booqashada xafiisku ay hoos u dhacday haatan, sababta cudurka Corona-Virus dartii, iyadoona carabka ku dhifatay in sida uu sharcigu qabo 5 ilaa 6 qofood oo qura loo oggolyahay in ay iskumar ku kulmi karaan xafiiska, taaso wax badan ka yaraynaysa tiradii hore qulqulka ay caawimaadda u soo booqan jireen xarunta qaxootiga magangalya-doonka Davos.

Waraysiga oo ku baxayay afka Jarmalka, mar wax laga waydiiyay waxa la taaban karayo ooy qaxoontiga ka caawiyaan sida dhanka sharciyada, shaqooyinka iyo soo qaadidda, ama xambaaridda qoysaska dadka qaxoontiga dibadeed, waxaa ay Mrs Scheighauser af buuxa ku sheegtay, in xafiiskoodu loo yaqaan luuqad-jarmal ahaan (Asylberatungsstelle Davos) dadka magangalyo-doonka ah in badan uu ka caawiyo helitaanka sharciyada si ay muhaajirriintu ugu noolaan karayaan dalka Switzerland si la mid ah sida dadka muwaadiniintu u noolyihiin, ama si u dhowba, waxaana ay tilmaanta in dadka qoysaska ka maqan ay ku dadaalaan sidii ay fursad ugu heli lahaayeen ugulana noolaan lahaayeen isla waddanka ISwiiska, iyadoona sii raacisay, in dhanka shaqooyinkuna aad ay uga caawiyaan qaabkii ay dadka qaxoontiga ah ku shaqo gali lahaayeen, taaso ay tilmaantay in ay ku gacansiiyaan qaabaalka qorista waraaqaha dalabka shaqooyinka, islamarkaana xafiiskooda Davos ay kambiyuutaro casri ah ooy ka mid yihiin (Laptops) Laabtoobyada wata isticmaal Internet bilaa qarasha wata u dhigeen dadka magangalyo-doonka ah si waqti waafi ah ay ugu qaataan.

Xafiiska magangalyo-doonka magaalada Dovos oo caada u ahayd in maalin walbo Axad ah dadka qaxootiga uu u sameeyo cunooyin joogta ah isdhexgalka jamaca ah, ayaa tilmaamay in miiskaasi furan iyo ciyaarihii kala duduwanaa jaaliyadaha dadka qaxoontigu ay ku taageerayeen qarash ahaanba, cudarka Covid19 awgii ay u hakiyeen si ku jaango’an sharciyda ay dowlladda Konfederaalka Switzerland ay ka soo saartay kulamada waawayn sida aroosyada, qaybaha isboortiga, tiyaatarada, muxaadirooyinka I.W.M, taasoona aan ahayn mid qolo gooni ah loogu darnaanayo.

Intii wareysigu uu socday, Southern Media mar ay waydiisay, maadaama cudurka Corona-Virus dunido dhan uu saamaayay, hakiyayna isu socodkii adduunka, waxaa jira dhibaatooyin farabadan sida qaxoonti ku xaniban Turkiga iyo Gariigga, Liibiya, Tansaaniya, sido kale, Itoobiya ayaa dhibaatooyin farabadani ay ka jiraan, dhanka Soomaaliyana haatan, daadad ayaa ka jira magaalooyinka Maayland sida degmada Afgooye gobolka Shabeellaha-Hoose JBM, haddaba qorshihiinu ma idin ku jiraa mustaqbilka inaad caawisaan dadka qaxoontiga ah ee dibadda ku dhibaataysan, waxaa ay ku jawaabtay Marwo Doris Schweighauser, in aysan ilaa iyo haatan dhanka dibadda aysan u qorshaysnayn, balse ay diyaar u yihiin, una taaganyihiin, in dadka qaxoontiga ah ee dalka Switzerland soo gaara uguna yimaada fadhigooda, inay caawinayaan karaankooda wixii kaga aaddan.

Ugu dambayntii, Xafiiska ayaa ugu baaqay dadka qaxoontiga ah, in haddii baahiyo caawin ay qabaan, xafiiskooda ay si toosa fool ka fool iyo dhanka qadka tilifoonkuba ay kula soo xiriiri karaan waqti kasta oo xiliyada shaqada ah, sikastoo uu u jiro cudurka faafanka dunida kala xirxiray ee Covid19 una heellanyihiin dadka inay gacansiiyaan, cudurkaasoo xitaa dhaqaalihi.

Wareysigii oo dhan halkan hoose ka daawada

By: Ustad Adam