Dhegeyso: Qaar Ka Tirsan Ciidanka Boliiska oo Xabsiga La Dhigay

0
47

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Dhame Sadiiq Adan Cali ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya ay ka jawaabeen cabasho ka timid Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir.

Afhayeenka ciidanka booliska oo shir jaraaid ku qabtey magalada muqdisho ayaa sheegay in baaris dheer oo ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed sameeyeen kadib in ay xabsiga dhigeen Ciidamo ka howlgalayay mid kamid ah baraha Koontorool, kuwaas oo uu sheegay in ay dadka Shacabka ah ka qaadayeen lacago laaluush ah.