Dhegeyso: Maddaxweynaha Maamulka Puntland oo Sheegay Qaabka Ay Xukuumada u Wajaheyso Somaliland Inuusan Fiicneyn

0
42

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan wada-hadallada Soomaaliland iyo Dowladda Federaalka,isaga oo sheegay in qaabka dowladda Soomaaliya ay u wajaheysa wada-hadalladaaas ay yihiin kuwo aan wanaagsaneyn.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si toos ah ula xiriireyso Odayaasha iyo Beelaha qaar ee Soomaaliland halkii ay madaxda Soomaaliland la hadli laheyd, waxaana uu sheegay in taasi ay sababi karto dagaalo sokeeye.