Maamulka Puntland oo Ka Jawaabay Eedey Kaga Timid Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Federaalka

0
54

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka jawaabay eedeyntii ay dhowaan maamulkaasi u jeediyeen wasiirada dowladda federaalka ee ka qeyb galay shirkii lagu soo xiray Garoowe.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban cad ayaa sheegay in wasiirada dowladda federaalka ka socday aysan wax door ku laheyn shirweynahaasi oo ahaa mid wadatashi ah, islamarkaana u jeedkiisa uu ahaa mid looga hadlayey aayaha guud ee maamulkaasi.

Sidoo kale Dhabancad ayaa waxaa laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray wasiiradaasi oo qodobada shirka saluug ka muujiyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday safarka la filayo in magaalada Muqdisho uu ku yimaado madaxweyne Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), isaga oo carabka ku dhuftay inuu socdaalkaasi kaliya gogol xaar u yahay shirka ay guud ee ay iclaamisay Puntland.