Wasiirka Arimaha Dibada oo Sheegay In Xeebaha Dalka Somaliya Lagu Shubo Sun

0
52

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in xaqiiqo loo hayo in badda Soomaaliya lagu daadiyay sun, xilli uu la hadlayay warbaahinta qaranka.

Wasiirka wuxuu ka gaabsaday inuu carabaabo halka uu kasoo xigtay warkaan saameynta weyn leh iyo xitaa cidda leh mas’uuliyadda falkaan.

Dhanka kale Cawada wuxuu cudur daar ka bixiyay tabashooyinka laga soo gudbiyay safarada dibadda, wuxuuna sheegay iney wax ka qaban doonaan.

Wasaaradda Kheyraadka Badda iyo Kalluumeysiga dowladda federaalka ayaa sheegtay dhawaan iney baaritaan ku sameyn doonto arrinta xilli dhawaan xeebaha magaalada Muqdisho ay kusoo caariyeen kalluun badan.