Qore Yaxya Amir: Airportka Dahabka ah ee Barawe.

0
334

Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa warbixin ka hadlaysa dhismaha airporka magalada baraawe waxa uu salka ku hayo kaasoo uu qorey Prof Yaxya Amir oo kolkuu maqaalkan qoray ka dib gaarigiisa bam loogu xiray kaasoo uu maalintii shaley ku dhintay walaalkiis bamkii asaga loogu tala galay, Kuwa raba iney gurtaan qeyraadka wadan dadka wax fahmey ee dhibta ka hadlayana raba maalinba iney mid dilaan waxaan u sheegeynaa in qof iyo laba iyo seddex la diley in aan loo xiri karin afka shaqsiga damiirka leh.

Prof Yaxya Amir Samir iyo iimaan ilaahay ha idinka siiyo walaalkaa Qabrigisana waasag ilaahay ha uga dhigo kuwii dilka geystay ilaahay haka abaal mariyo dulmiga ay ku dileen walaakaa weligana haka aamusin xaqdara iyo dulmiga iyo kuwa usoo xeed xeetay iney lunsadaan qeyraadka umadan somaliyeed ee weli danahooda garan.

Halkan hoose ka aqrista maqaalkii uu qorey Prof Yaxya Amir:-

Hala yaabin in Airport Dahab ah laga dhisayo Somaliya.

Waxaan wax badan isweydiiyay Maxey Sh/Hoose Nabad u noqon la’dahay?.

1-Waxaan soo xasuustay: Waqtigii Kacaanka shirkad Romaniyaan ah oo Xamar xafiisyo ka furatay oo tiri: waxaan Dahab ka soo saareynaa inta u dhexeyso Mogadishu iyo Marka oo aan hore u sahminay.

2- Waxaan soo xasuustay: in shirkado iyo shakhsiyaad hantiilayaal ihi ey aad u iibsanayaan dhulka xeebta ah laga Bilaabo Xalane illa Gandarshe.

3- waxaan soo xasuustay: Qoraalkii aan hore uga qaray shirkada Kilomenjaro oo si hoose loo siiyay 4ta Ceel ee Qoryooley Basin 1-4, lana rabay in AMISOM ey nabad ka dhigto oo kaliya inta u dhexeeyso Qoryooleey illa Xamar, laakin tartan jira dartii loo carqaladeeyay.

4-waxaan soo xasuustay: maqaalkii sahankii shidaal ee caliyoow Geele ee aan hore idiinla wadaagay.

5-waxaan soo Xasuustay: Ceelka Gaaska ee Afgoi.

6- waxaan soo xasuustay: Danta laga lahaa, loolankii adkaa ee shabeelaha Hoose in ey Raacdo Ex-Banadir ama Baay & Bakool.

7-waxaan soo xasuustay: markii la dhisayay waddada isku xirta Baydhabo iyo Afgoi ee enjinyeerkii Ajnabiga ahaa uu yiri: waddada aad dhiseeysiin waxaa ka qaal badan dhagaxa aad ku dhiseeysiin.

8-Waxaan soo Xasuustay: Khayraadka kale ee dabeeciga ah ee Allaah ku maneystay Gobalka Sh/Hoose.

9-Waxaan soo Xasuustay: Sida loogu Tartamayo Hogaanka K/Galbeed, tartamayaasha qaar Cidda gadaal ka riixeysa iyo xiriirka khayraadka kala dhexeya.

10-Waxaan soo xasuustay: khabiirkii Ajnabiga ahaa ee igu yiri: Yahya you a victim of your resources.( Yaxye, khayraadkiina ayaa qabri u galeeysaan).

11-Waxaan soo xasuustay……. Tan ka hadalkeedu waa khatar.

Gunaanad.

Airport Dahab lagu Dhisayo oo Somalia ku yaal, maanta September 2018, waxaan ogaaday in Airport laga dhisayo Barawe, Hayadii qandaraaska Bixineysay ey ku amartay shirkadaha wax dhisayo in ey keenaan Sheybaar si loo hubiyo in Carrado tahay mid ku haboon in Airport lagu dhiso iyo in kale, sheybaarkii waa la keenay, sheybaariista yaashii Ajnabiga ahaa, waxa ey baareen caraddii si ey u hubiyaan in (Run way-ga) waddada Dayaaradahu ku degaan lagu dhisi karo carradan si ey u celiso culeeyska dayaaradaha.

Laakin Su’aal kale ayey keeneen, waxa ey yiraahdeen: Caradaan xageed ka keenteen? Waxaa lagu yiri: Kaawada magaalada u dhaw , waxa ey yiraahdeen: Baaritaankeena waxaa nooga soo baxay in Carradan 0.9 ey Dahab tahay. Waxa aad dhiseysiina waa Airport Dahab ah.

Haddan fahmay waxa Sh/Hoose ey nabad u noqon la’dahay. Waxaan fahmay in Gobalka ey ku dagaalamayaan dad deegaan iyo Dhulka dushiisa wax ka muuqda isku heysta iyo kuwa isku heysta wax aan muuqan oo dhulka Hoostisa ku jira.

Barawe Area Code(s) keedu waa +35261. Time Zone –keedu waa UTC +3( EAT). Elevation-keedu waa 0 m( 0 ft). Coordinates- keeduna waa 1degree 06’48N .44degree 01’49E. Latitude- keedu waa 1.1132. Longitude- keeduna waa 44.0297.

FG: Allow Dalka Dahabkiisa noo dhowr kan “Arabsiyaba” Somali land ba ha u badnaadee. Wixii aan khalday iga sax, wixii aad ka shakisana sida aan anniguba u baaray u baar iskana hubi, xogtaadu waa noo muhim. Xogta qaarna waa khatar ogaanshaheedu, sida aan kaaga dhaafay No.11 ee isla qoraalkan.

Qore: Yahya Amir