Dhageyso: Doorashada Sweden iyo kaalinta ay ku leeyihiin Soomaalida

0
90
Faisal Osman. Miljöpartiet de gröna. photo by VF Karlstad
Faisal Osman. Miljöpartiet de gröna. photo by VF Karlstad

Dalka Sweden waxaa dhawaan ka dhacay doorashada baarlamaanka sare, tan gobolka, iyo midda magaalooyinka, taasoo ay ku tartameen murashixiin fara badan oo Soomaalidu ay kamid yihiin.

Doorashada sanadkan ayaa aheyd mid aad u adag, maadama xisbiyada badankood ay isku cod dhawaayeen.

Ilaa siddeed xisbi ayaa ku tartamayay doorashada kuwaasoo kala ah, xisbiga Socialdemokraterna (S)  oo ah xisbiga talada haya isla markaan ah xisbiga ugu codka badan uguna wayn xisbiyada, Moderata samlingspartiet (M),  oo ah xisbiga labad ee dalka soona galay kaalinta labaad dhanka codadka, kaasoo xilli sii horeysay ka arrimin jiray dalka xisbiga Miljöpartiet de gröna (MP) oo ah xisbiga ugu badan ee ay iska sharraxeen Soomaalida , horayna u ahaa xisbiga   saddexad ee dalka wallow doorashada uu ku yimid hoos u dhac ballaaraniyo xisbiyada kale ee  Centerpartiet (C) , Liberalerna (L) , Vänsterpartiet (V), Kristdemokraterna (KD) iyo xisbiga midigta fog ee Sverigedemokraterna (SD).

Sweden ayaa ah dalka labaad ee qaaradda Yurub marka laga yimado Ingriiska ee qaabila dadka magangelyo doonka ah.

Tiro ka badan 60,000 oo Soomaali ah ayaa la sheegay in ay ku nool yihiin dalka Sweden, sida ay sheegayso tirokoob la sameeyey 2016. Sanadkii 2015 dowladda Sweden waxa ay qaadatay oo ay qaabishay 163,000 oo ah dad magangalyo doon ah oo Soomaali ay ku jiraan.

Haddaba Soomaalida ayaa kaalin muuqata ku leh doorashada sanadkan, iyagoo si aad ah ugu dareeray goobaha codbixinta, sidoo kalana lahaa murashixiin badan, kuwaasoo qaarkood ay guulesyteen halka kuwa kale ay rajeynayan inay guul gaaraan kadib marka ay soo baxdo natiijada.

Murashixiin Soomaali ah ayaa ka kala socday xisbiyada kala duwan ee dalkaas oo uu kamid yahay xisbiga talada haya ee Socialdemokraterna kaasoo ay ka sharraxnaayeen Maxamed Nuur iyo Barni nuur oo ka tartamayay magaalada caasimadda ah ee Stockholm. Sidoo kale waxaa jiray murashixiin ka socday xisbiyda kale sida Miljöpartiet de gröna (MP)  kaasoo ay ka sharraxnaayeen Mursal Ciise oo u sharraxnaa golaha sare ee baarlamaanka iyo Feysal Cusmaan oo u sharaxnaa golaha deegaanka iyo kan gobolka ee magaalada Karlstad ee gobolka Varmland, kuwaasoo wali aanan lagu dhawaaqin natiijada codadka ay ka heleen doorashada.

Haddaba wariye Cumar Xasan Khaire oo ku sugan magaalada Karlstad  ee dalka Sweden ayaa wareysi la yeesshay Feysal Cusmaan oo ahaa murashax, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay rajada uu ka qabo inuu soo baxo kadib marka lagu dhawaaqo natiijada.

Fadlan hoos ka dhageyso wareysiga Feysal Cusmaan.