Hogaamiye Goboleedyada: Filimkooda Waa Dhamaanayaa

0
117

Dowladdihii hore ee Itoobiya (tii Melez iyo Heilamariam-ba) waxay ciyaarayeen siyaasad ah in Soomaaliya aasaasiyan eey sii ahaatao mid dacaiif ah oo wixii aay doonaan aay si fudud uga sameyn karaan. Ka mira-dhalinta siyaasadahaas, oo la dhihi karo ilaa xad weey shaqeeyeen, waxaa loo isticmaalay qeybinta Soomaalida iyo hubinta hogaamiyayaal raacsan siyaasadda Itoobiya in aay Soomaaliya gacanta ku haayaan heer maamul goboleed iyo federaalba. Tii waxaa ku yimi isbedel la filaayey laakiin soo degdegay. Dowladda Federaalka Soomaaliya (tan xaadirka ah) oo kalsooni badan ka heysatay shacabka oo dhinac ah iyo maamul goboleedyada iyo hogaamiyayaashooda – aan ugu yeerno Hogaamiye Goboleed (HG) – oo badankood ku yimi siyaasaddii dowladihii hore ee Itoobiya ayaa u muuqda in aay ka dhaxeyso wada-shaqeyn la’aan iyo is-dhagrid laga dhaxlay horumar la’aan iyo dib u dhac. HG-yadaan – waxay isugu yeeraan madaxweynayaal iyadoo wax sharci ah oo lagu saleeyey eray-bixintaas aanan la soo saarin aayna u muuqato in aay tahay qeyb ka mid ah siyaasadda jahawareerinta. Waa hal dal oo leh intaasoo madaxweyne. Marka, isbedelka cusub ee siyaasadda Itoobiya iyo siyaabaha aay dowladda dhexe ee Soomaaliya uga faa’iideysan karto ayaan rabaa in aan maqaalkaan wax yar ku soo qaato.

Burburkii dowladdii milatariga iyo dagaalkii sokeeye ka dib waxaa banaanka soo baxay oo si fiican loo wada ogaaday Soomaalida meesha aay ka nugul yihiin (qabiil iyo quud-raadis) waana laga faa’iideystay. Dowladdii Itoobiya ayaa ka mid ahayd wadamadii sida fiican uga faa’iideystay. Waa jiraan wadamo kale oo jabka Soomaalida gacan ka geystay si toos ah ama si dadbanba ama ka faa’iideystay laakiin xusiddooda waa qormo kale iyo mar kale. Itoobiya marar badan ayeey sameeysay dadaalo u muuqday heshiisiin iyo nabadeyn loo arki karay in aay Soomaalida u fidinayeen gogol derisnimo, marar kalena waxay cudud milatari ku soo kaalmeeynayeen hogaamiye kooxeedyo markaas iska celinayey kuwo kale oo iyaga oo kale ah, taasoo keentay in Soomaalida fikirkooda ku aadan Itoobiyaanka uusan midoobin. Intaa waxaa dheeraa in shirarkii dib-u-heshiisiineed ee taxanaha ahaa aay mar walba ku lahayd door fiican oo u sahlaayey in aay madax aay raali ka tahay aay ka soo baxaan, haddii la waayana mucaaradka raacsan aay isticmaasho si loo mijaxaabiyo qofkii aay u aragto siyaasadaheeda in uu ku yahay caqabad. Taas waxay sababtay in Addisababa aay saameyn lixaad leh ku yeelato xaaladaha Muqdisho, Kismayo, Baydhabo, Bosaso, Hargeysa iwm.

Gudaha Itoobiya waxaa laga hirgeliyey wax loogu yeero Dowlad Degaanka Ismaamulka Soomaalida (DDIS) ama Killilka 5aad oo haddii si loo fiiriyo aanan xumeyn fikir ahaan laakiin noqotay meel xuquuqul insaanka lagu tunto oo qofkii ka hadla waxa meesha ka socda ee aan dhaantada u jiibin sida uu rabo ninka ku amar-taagleeynayey meesha laga yeelo sidii la rabo (xabis, jirdil, faraxumeyn iyo xitaa dil). Soomaaliyana waxaa loo sameeyey ergay gaar ah oo arrimaha milatariga ku xeel-dheer oo loo xilsaaray in uu wax ka dhiso maamul goboleedyada Soomaalida si aay ugu ekaadaan killilka 5aad. Wuuna ku guuleystay ilaa iyo xad oo haddii la fiiriyo labada maamul goboleed ee koofurta Soomaaliya (Kismayo iyo Baydhabo) hindisahooda wuxuu la mid yahay kan DDIS. Kan Kismayo waxaaba dhidibada loogu taagay Addisababa iyadoo dowladdii dhexe ee waqtigaas xoog sanka looga geliyey. Tan Baydhabana odayaashii degaanka Koofur Galbeed (ka soo biloow Shabeelaha hoose ilaa Jubbada Hoose) oo u fadhiyey qorshe markaas loo wada dhamaa oo la rabay in maamul loogu sameeyo lix gobol oo aay ka mid ahaayeen gobolada Itoobiyaanka ku magacaabeen Jubbaland (Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo) ayaa sandule loogu magacaabay maamul saddex gobol ah. HG-yadooda wax badan ma dhaamaan kii DDIS ee maalin dhoweyd xabsiga loo taxaabay dhinaca xuquuqul insaanka iyo dhinaca kali-talisnimadaba. Siyaasaddii rajiimkii hore ee Itoobiya oo ahayd in Soomaaliya eeysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo ayeey hubinayaan in aay shaqeyso.

Ergeyga Itoobiyaanka wuxuu gaaray faragalin toos ah in uu ku sameeyo maamulada dhisidooda iyo dumintooda, magacaabista saraakiisha ciidamada iyo maamulkooda oo ahayd arrin aan horey u dhicin taariikhda noqotayna heerkii ugu hooseeyey ee aay gaarto Soomaalida abid.

Waqtiyadii ugu dambeysay rajiimkii hore wuxuu u isticmaalay ciidamada DDIS (Liyuu Booliska) in uu kula dagaalo kacdoonka Oromada iyo in la isaga horkeeno Oromada iyo Soomaalida. Dhalinyarada Oromada ee kacdoonka horboodayey oo loo yaqaano Qeero laftigooda tacadiyo badan oo ka dhan ah Soomaalida ayeey ka geeysteen meelo badan oo ah degaanada Oromiya iyo Killilka 5aad. Rajiimkii Addisababa kacdoonka gudaha ah oo aay hogaaminayeen dhalinyarada Oromada (waa qowmiyadaha Itoobiya midda ugu badan, dhaqan ahaan iyo diin ahaana Soomaalida aad ayeey isugu dhow yihiin), oo ka faa’iideystay warbaahinta casriga ah, wuu ka adkaan waayey. Muddo gaaban ayeey si lama filaan ah dowladdii isku-duntay markii shaqo joojino, banaanbaxyo iyo iftiimin lagu sameeyey xasuuqa iyo cadaalad-darrada rajiimka. Dowlad cusub oo uu ra’iisul wasaare ka yahay nin dhalinyaro oo Oromo ah ayaa meesha timi oo meesha ka saartay maamulkii DDIS oo rajiimkii hore aad ugu dhowaa.

Haddaba, xaaladda Itoobiya waa mid kala-guur ah oo eey u eg tahay mid ku socoto waddo fiican, laakiin Soomaaliya ahaan sidee looga faa’iideysan karaa?

Rajiimka cusub ee weli ma saldhigan, laakiin waxaa laga arkaa waxyaabo aad u fiican oo dadka Itoobiyaanka badankood maqsuud ku yihiin. Ra’iisul Wasaaraha wuxuu balan qaaday in hey’adihii caburinta iyo xasuuqa la baabi’in doono, wuxuu heshiis ugu baaqay mucaaradka hubeysan ee gudaha, wuxuu soo celiyey calaaqaadkii Iritereeya, Soomaaliya wuu u tagey waxaana ka muuqday jawi is afgarasho in uu jiray (inkastoo aan wax badan laga ogeyn wixii hoos la iskula af gartay). Waxaas oo dhan waa talaabooyin fiican, laakiin dowladda Soomaaliya siyaasadda cusub ee mandiqadda waa waxa ugu muhimsan waqtiga xaadirka ah oo u baahan in aay hubiso in dowladda cusub eeysan la soo bixin siyaasadihii soo jireenka ahaa ee aan labada dalba wax faa’iido ah u lahayn.

Si Soomaaliya nabad u  hesho oo loo helo waddan shaqeynaya waxaa loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ee maamul goboleedyada aay noqdaan kuwo cadaalad ah oo meesha ka saara HG-yadii uu meesha uga tagay rajiimkii hore ee Itoobiya. Doorashooyinka ka hor waa in meesha laga wado ciidamadii ergeygii hore ee Itoobiya uu meesha keenay laguna bedelo ciidamo Soomaali ah ama Amisom. Dowladda Soomaaliyana aay taageerto isbedelka ka socda Itoobiya iyo DDIS-ta cusub.

Sidoo kale waa in la sameeyo guddi isku-dhafan oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka shaqeeya wanaajinta xiriirka labada wadan iyadoo maslaxadaha labada umadood la ilaalinayo kana shaqeeya xallinta xurgufaha iyo isku-dhacyada ka dhaca meelaha qowmiyadaha kale ee Itoobiyaanka iyo Soomaalida wada degan yihiin ha ahaadaan kuwo siyaasad la xiriira ama kuwo kaleba.

HG-yada waxay u muuqdaan in uuu ciriiri ku soo noqonayo xaalka oo aanay jirin Addisababadii loo ordi jiray si dowladda loo mucaarado waxayna sameynayaan wixii karaankooda ah si aay arrintaa uga bixi lahaayeen. In lagula xisaabtamo maamulka aay u hayaan dadka, ha ahaato lacag ama amaan iwm., waa mid loo baahan yahay. Dowladda dhexe haddii, waqtiga xaadirka ah oo aay nugul yihiin wakiiladii rajiimkii hore ee Itoobiya Soomaaliya u joogay, aay la timaado siyaasad dardar leh oo lagu bedelayo raggaas  rajada wadanka waa fiicnaan doontaa, filimkoodana wuu dhamaanayaa.  Haddii kale xaalka sidiisuu sii ahaanaayaa.

Abdulkadir M. Abow

abow@idirect.com