Xog Shariif Xasan Oo Maanta Qeylo Dhaan u Direy Qaar ka Tisan Xildhibanada Qaranka

0
35

Warar aynu ka heleyno magalada baydhaba ayaa sheegaya in Shariif Xasan uu qeylo dhaan u direy qaar ka tirsan xildhibanada dowlada federaalka somaliya u matalaya koonfur galbeed isagoo sheegay in xukumada ay faragelin ku heyso doorashooyinka la filaayo iney ka dhacaan magalada baydhaba bisha Novembat 17keeda .

Shariif Xasan ayaa xildhibaanadaasi ku beer laxawsanaya in ay garab istaagaan isla markaasina kala dagalaman xukumada sidii ay ku joojin laheyd faragelinta ay ku heyso doorashooyinka madaxtinimo ee  maamulka koonfur galbeed.

Xogtan ayaa sheegeysa in Shariifka xildhibanada u sheegay inuu diyaar u yahay in lala tartamo isla markaana uu soo dhaweynaayo ruux kastoo doonaya inuu la tartamo, Balse aysan habooneyn in maamulka lagu sameeyo faragelin maadama aan mamulada kale ee dalka ka jira lagu sameyn ayuu yiri shariif oo ay ka muuqato cabsi aad u badan oo kasoo wajahday magalada muqdisho.

Si kastaba arintu ha ahaatee Shariif Xasan ayaad moodaa inuu ilaaway qaabka uu ku maroorsaday madaxtinimada maamulka koonfur galbeed, Taasoo aheyd faragelin ay dowlada federaalka ku sameysay odayaal dhaqameed in ka badan 2 sanadod meel u fadhiyey masiirka shacabka koonfur galbeed  dadaalkii dheeraa oo ay galeen markii ay ku guuleysteen oo ay sameysteen maamul iyo masuuliyiin dowlada federaalka ay ka burburiysay isla markana Shariif Xasan Daaqada Kasoo gelisay. ‘‘KABABA BEEREY LANBA KOLSHEEY IS ADKEE”