Reysulwasaare Ku Xigeenka oo Maanta Dowlada Turkiga Kala Wareegey Qalab Casri

0
28

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo soo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira.

Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac,ayaa tilmaantay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.

Qalabkaan ayaa ah mid muhiim ah gaar ah uleh Dekadda Muqdisho,taasi oo Maraakiibta Xamuulka ah ay ku soo xiran karaan,islamarkaana dakhli xoogan ka soo xaroon doonaan sida ay mas’uuliyiinta Dowladda sheegeen.