Reysulwasaaraha Xukuumada Federaalka oo Maanta Hoygiisa Ku Booqdey Xildhibaan Cabdiqeybdiid

0
46

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday Senator Cabdi Xasan Cawaale oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedka booqashadiisa la xiriirtay in uu la qeybsado Senetorka dareenka ka dhashay falkii lagu weeraray gurigiisa, kaasi oo maalin ka hor ay u galeen Ciidamo hubeysan, kadibna gurigiisa ka fuliyay baaritaano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay Senator Cabdi Qeybdiid in Dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay falkaasi weerarka ah, islamarkaana ay Dowladdu ka jawaabi doonto.

Senator Qeybdiid ayaa u mahadceliyay booqashada Ra’iisul Wasaaraha uu ugu yimid waxana uu ka dalbaday in loo sheego cidii ka dambeysay oo bixisay amarka weerarka lagu qaaday hoygiisa.